Iib hagaajiye:
waa barnaamij ganacsi oo ku shaqaynaya koombuyuutarka(Computer), kaasi oo aad
kaga maarmi doonto daalka iyo qaladaadka uu leeyahay diiwaan-gacmeedka ay inta
badan ganacsatada aqoontoodu liidataa ganacsigooda ku xisaabiyaan, waxa
barnaamijkani samaysay Soomaal
Technologies Waaxda Software-da,
waxa barnaamijkani awood u leeyahay inuu soo saaro dhamaan noocyadii
xisaabaadka ganacsiga sida:
- 1.Warbixintii alaabta taala
(report for Inventory)
- 2.Warbixintii alaabta cusub
oo ay la socoto deyntii (report for Purchase plus Liability)
- 3.Warbixintii iibka (report
for Sales)
- 4.Warbixintii macaamiisha wax
iibsatay (report for Customer Book plus Account Receivable )
- 5.Warbixintii lacagta laga
qabtay macaamiisha (report for Money received from Customers)
6.Waxa intaa dheer dhamaan in laguugu dari doono hadii ay jirto warbixin aad u baahantahay oo intan sheegan ka baxsan.